Kenya oo qareeno caalami ah u kiraysatay Dacwadda Badda

Soomaaliya iyo Kenya
Soomaaliya iyo Kenya

Nairobi (Aftahannews) – Dowladda Kenya ayaa qareeno caalami ah u magacaabatay in ay ku matalaan dacwadda badda ee ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada ee ICJ.

Sean David Murphy oo ah aqoonyahan ku taqsusay cilmiga sharciga ahna Professor katirsan Jaamacadda George Washington ee Washington, DC, ayaa kamid ah Xaakimiin ay dowladda Kenya u kireystay si ay u difaacaan dacwada badda ee ay Soomaaliya gudbisay.

Dhammaan siddeed qareen oo ay Kenya u magacowday dacwadda Huge, waxaa Kenyan ka ah Prof Phoebe Okowa, oo ah bare sharciga Caalamiga ka dhiga Jaamacadda Queen Mary ee London.

Soomaaliya iyo Kenya
Soomaaliya iyo Kenya

Kooxdan ayaa badashay qareenada kala ah Karim Khan, Payam Akhavan (American), Makena Muchiri (Kenya), Vaughan Lowe QC (British), Alan Boyle (British), Mathias Forteau (French) iyo Amy Sanders (British).

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin qareenada u matalaya dacwada ay ka gudbisay dowladda Kenya, taasoo loo fadhiisanayo bisha soo socota bartamaheeda.

Maxkamada ICJ, ayaa dhawaan diiday codsi Kenya uga yimid oo ah in dib loo dhigo dhegaysiga dacwada oo marar kala duwan dib u dhacday.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.