Muuse Biixi oo la saftay Xukuumadda, qaatayna mawqifkii Saleebaan-gaal ee ku lidka ah Baaqa Mucaaradka

 Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa la saftay Xukuumadda Siilaanyo, qaatayna mawqifkii Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal) oo sharci-darro ku tilmaamay shirka wada-tashiga Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ku baaqeen inay qabanayaan.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo maanta ka hadlayey munaasibad xisbiga Kulmiye ku soo dhawaynayey xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo si rasmiya ugu biiray xisbiga KULMIYE, ayaa waxa  kale oo uu ka jawaabay dalabka xisbiyada  mucaaridka ah ee ay ku marti qaadeen shirka ay gudigiisa qaban qaabo wada jirka WADDANIiyo UCID u magacaabeen.

“ waxaan u sheegaynaa walaalahayaga  xisbiyada mucaaridka ah in cidda kaliya ee wadanka  shir Qaran iskugu yeedhi kartaa ay tahay Madaxweynaha Somaliland cid kale oo iskugu  yeedhi kartaana ma jirto, ummaddana lagu jaah wareerin maayo xeerna maaha waxaanan leeyahay aynu  is maqalno”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa kaloo uu dhaliil u soo jeediyay guddoomiyaha xsibiga mucaaridka ah ee WADDANI.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro)waxaanu yidhi:

“Xisbiga WADDANI gudoomiyahoodu waa ninka sadexaad ee distoorku u ogol yahay hab maamuuska Qaranka, hab maamuuska Qarankana waa lagu kala mudan yahay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,gudoomiyaha golaha guurtida iyo gudoomiyaha golaha wakiilada intaas ayuu inoo sheegay distoorkeenu, markaa waxa nasiib darro ah in gudoomiyaha uu distoorku siiyey hab maamuuska Qaranka uu hadana yidhaahdo shir beeleed ayaan qabanayaa”

Waxaa kaloo uu ka hadlay Muuse Biixi Cabdi guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxyaabaha aasaaska u ah shirwaynaha KULMIYE oo la ilaypo inuu bisha dambe qabsoomo sida loo muddeeyay,kaasoo uu sheegay in lagaga wada hadli doono waxa Somaliland u danta ah waxaanu yidhi

“Shirka KULMIYE waxa uu ka hadli doonaa qodobada ugu muhiimsan ee dalka ka jira oo ay kaw ka tahay sidii loo midayn lahaa shacabka Somaliland, iyada oo astaanta xisbigu tahay midnimada shacabka, waana in qof kasta oo reer Somaliland ahi uu nabad ku seexday isaga oo aan cidna ka baqayn amaankiisana ay sugtay xukuumadii uu doortay ee xisbiga Kulmiye”

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland