Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan kulamada wadatashiga ee doorashada Soomaaliya

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Jubaland
Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Jubaland

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ka maqan shirka wadatashiga ee u dhexeeya madaxda dowlada federaalka Soomaaliya, dowlad gobolleedyada, gobolka Banaadir iyo wakiilada beesha caalamka oo lagaga hadlayo khilaafka doorashada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Jubaland ayaa labaduba muhiim u ah kulanka si loo soo afjaro qoddobada laysku hayo ee wali doorashadu ka dhaqaaqi la’dahay.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Jubaland
Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Jubaland

Lama oga in ay ku soo biiri doonaan kulamada wadatashiga ah ee socda iyo in kale hasse ahaatee dhawaan madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka fiirsan doonaan ka qeybgalka shirka Muqdisho.

Sidoo kale, labada dowlad gobolleed ayaa dib ugu yeedhay xubnihii gudiyada ahaa ka joogay magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro ku matalayay dhawaan shirkii ku soo dhamaaday magaalada Baydbabo ee xarunta gobolka Baay.

Qoddobada ugu waaweyn ee laysku hayo si Soomaaliya u beegsato doorasho wadar ogol ah ayaa ka mid ah arinta gobolka Geido Dowladda federaalka iyo Jubbaland wali isku mari la’yihiin.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.