Shir Madaxtooyada Soomaaliya uga furmay Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Shirka Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Shirka Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Muqdisho (Aftahannews) – Wararka ka imanaya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan uga socdo Madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaarahiisa, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamulada K/galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, marxalada kala guurka ah iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya ee aanan wali lagu heshiinin wakhtigeeda.

Shirka Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Shirka Madaxda Dowladda Fedaraalka, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka sidoo kale lagaga hadlayo rabshadahii dhawaan ka dhacay magaaladda Muqdisho ee dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan hadda ka soconaya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa imanaya iyadoo Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayna wali soo gaadhin magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay uga baaqdeen safarkooda sababo la xidhiidha rabshadahii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.