Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka warbxisay Xaalladihii ugu dambeeyay ee Covid-19

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi
Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi

Hargeysa (Aftahannews) – Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa ka warbxiyay shirka todobaadlaha ah ee lagaga hadlo arimaha deg-dega ee dhanka caafimaadka ah ee wasaarada  kaas oo ay isagu yimaadaan hawl wadeenada iyo madaxada wasaaradu.

Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay heegan buuxa ugu jirto illaalinta guud ahaan caafimaadka bulshada, gaar ahaan xanuunka saf marka ah ee Covid 19, waxaanu intaa ku daray in bishii koowaad ee sanadkan la baadhay 3950 qof, kuwaasoo laga helay 63 qof,  waxaanu wasiirku xusay in bishan aynu ku jirno ee labaad labadii todobaad ee ugu horeeyay la baadhay 2436 oo qof, taasoo laga helay 64 qof  waxaanu wasiirku  sheegay in uu jiro korodh dhinaca xanuunka ah.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi
Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Wasiirku waxa uu bulshada u soo jeediyay in la raaco talooyinka caafimaad ee wasaaradu bixinayso si loo yareeyo koradhka xanuunka, waxaanuu bulshada u soo jeediyay in kor loo qaado fayo-dhawrka guud,

Waxaanuu wasiir Badde intaas ku daray in hawl-wadeenada wasaaradda caafimaadku ay heegan ugu jiraan hubinta caafimaadka dadka dalka soo galaya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.