Xisbiga KULMIYE oo Lacagta Murrashaxnimada ka Dhaafay Tartamayaasha Haweenka iyo Beelaha laga Tirada Badan Yahay

Filed under: Wararka |

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga KULMIYE, ayaa ka dhaafay lacagta murrashaxnimo tartamayaasha ka socda haweenka Somaliland iyo beelaha la hayb-sooco.

Qoraalkan oo soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews ayaa u dhignayd sidan:-

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa wareegto uu soo saaray maanta ku shaaciyey in gebi ahaanba xisbigu joojiyey inuu wax lacag ah ka qaado murrashaxiinta matalaya haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay ee iska soo sharraxaya KULMIYE, si uu xisbigu u dhiirrigeliyo tartamayaasha labadaa qaybood ee ka tirsan bulshada.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyey dhammaan Guddoomiyayaasha Gobollada dalka ee xisbiga KULMIYE, waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenku ku sheegay in aan wax lacag ah laga qaadi doonin murrashaxaxiinta labadan qaybood ee doonaya inay u tartamayaan xildhibaannimada Golaha Wakiillada iyo Deegaannada dalka.

Hoos ka akhriso Wareegtadan oo faah-faahinsan

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login