Sheekh Shariif: Waxaa naloo adeegsaday ciidankii aan dhisnay

SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA

Muqdisho (Aftahannews)- Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta kulan lagaga hadlayay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ku yeeshay Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta oo Warbaahinta la hadlay geba-gabadii kulankaasi ayaa sheegay inay ka xun yihiin tallaabada ay Dowladda Federaalka ku weerartay Xubnaha Midowga Musharaxiinta, xilli ay bannaanbax nabadeed kaga qaybgalayeen magaalada.

Sidoo kale, waxaa uu walaac ku muujiyay in dowladdu ay awood ciidan u adeegsato, dad si nabadgelyo leh bannaanbax ugu muujinayay dareenkooda, isagoona uga tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarka lagu qaaday bannaanbaxii ay Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood horkacayeen.

SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA

Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhaliilay in uu u adeegsaday ciidankii ay shalay iyagu  dhiseen, welibana iyagoo sida uu yidhi u hagar baxay.

Shariif Sheekh Axmed ayaana xusay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Ciidanka shalay markaan dhiseynay, waan u hagar baxnay, waxaana aad uga xunahay in la soo adeegsado ciidamadii aan dhisnay, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo xorriyada hadalka iyo dowladnimada.” Ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Shariifka ayaa intaa ku daray in fallanqayn dheer ka dib, ay Midowga Musharaxiinta isu raaceen in la sii wado bannaanbaxa dastuuriga ah, ee ay xaqa ugu leeyihiin in ay dareenkooda ku cabiraan, isla-markaana uu bannaanbaxu caafimaad u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeedba.

Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilay inay siyaasadeysay bannaanbaxii Midowga Musharaxiinta, iyadoo Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale uu Arbacadii sheegay inaanan la ogoleyn wax bannaanbax ah, xilligan adag ee Soomaaliya uu ku soo laba kacleeyay xanuunka COVID-19.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.