Faysal Cali Waraabe oo Dadka reer Muqdisho ku booriyay in ay Magaaladooda ka Xoreeyaan Farmaajo

Faysal iyo Farmaajo
Faysal iyo Farmaajo

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa u duceeyay dadkii ku waxyeelobay mudaharadkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale wuxu dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay iska xoreeyaan madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Farmaajo.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay xaflad uu xisbigiisu musharixiin ku soo dhawaynayay, ayaa dadka reer Muqdisho ku booriyay in ay magaaladooda ka xoreeyaan madaxwaynaha mudo dhaafka ah ee Farmaajo.

Faysal iyo Farmaajo
Faysal iyo Farmaajo

“Halkan waxan doonaya in aan ka tacsiyadeeyo, dadkii reer Muqdisho ee shalay lagu xasuuqay bananbaxa, intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawacana Alle ha u sahlo, iyagana waxanu leenahay idinkaa waxa iskugu wacan oo taladiinii cadaw gacanta u galiyay baan leeyahay, imikana waxan leenahay, waar tashada reer Muqdishow, meel kale oo uu Farmaajo xukumaa ma jirtee, waa Muqdisho, waa magaaladiiniye iska xoreeya baanu leenahay, hayska tagaanu leenahay walalayaal”. Ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Sidoo kale, guddomiyaha ayaa dadka reer Somaliland u sheegay in hadii ay isjeclaan waayaan uu Alle ku salidi doono, waxa Muqdisho ka dhacaya oo kale.

“khilaafka reer Banaadir baa keenay Farmaajo, inaguna hadii aynu khilaafka iska dayn wayno, oo aynu isjeclaan wayno, waxa iyo wax ka xun ayuu Alle inagu salidi, Ilahay baynu ka magan galnay in uu mardanbe cadaw gacanta inoo galiyo, wixi ina soo maray waynu xasuusanaa, xunyohow xunku dhalay dii waynu xasuusanaa, wadooyinkii la xidhay waynu xasuusanaa, diyaaradii laynala dhacay waynu xasuusanaa, yaynaan iloobin taariikhdeena walaalayaal”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.