Weerar dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Kabul

Weerarka ka dhacay Kabul
Weerarka ka dhacay Kabul

Kabul (Aftahannews)- Ugu yaraan shan qof ayaa geeriyootay laba kalana waa lagu dhaawacay kadib markii qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen caasimada Afghanistan ee Kabul,, waxaana maalmihii ugu dambeeyay sii kordhayay tirada weerarada ka dhacaya magaalada.

Booliska ayaa sheegay in qof dumar ah ay kamid tahay dadka ku dhintay qaraxyadaasi.

Weerarka ka dhacay Kabul
Weerarka ka dhacay Kabul

Ilaa hadda lama oga cida fulisay weeraradaan. Kabul waxaa si xowli ah ugu kordhay tirada dilalka qorsheysan ee lagu dilayo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, saraakiisha dowladda , saxafiyiinta iyo dadka rayidka ah.

Wadahadaladii nabadeed ee u dhaxeeyey dowladda Afqaanistaan iyo Taalibaan ayaa hakad ku yimid iyadoo maamulka Biden uu dib u eegis ku sameynayo heshiiska ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afqanistaan kaas oo la saxeexay sanadkii hore.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.