Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo war ka soo saaray Qalalaasihii Muqdisho

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres

Muqdisho (Aftahannews)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in si weyn uu uga walacsan yahay qalalaasihii shaley ka dhacay Muqdisho.

Antonio Guterres wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya inay ku dadaalaan xasiloonida.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres

Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada in si deg deg ah u yeeshaan kulan heshiis lagaga gaadhayo arrimaha doorashada.

“Xoghayaha guud wuxuu ku baaqay in la qaddariyo xuquuqda ku saabsan qabashada isu soo bax nabadeed iyo xoriyadda hadalka” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.