Midowga Musharixiinta oo sheegay in ana joojin doonin dibadbaxyada

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Muqdisho (Afthannews) – War Qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharixiinta Mucaaradka Soomaaliya ayay ku sheegeen in aysan joojin doonin dibadbaxyada ka dhanka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ayay ku sheegeen in ay siweyn u cambaareynayaa gaboodfalka sida ay hadalka u dhiggeen dowladda wakhtigeedu dhamaaday ku weerarreen musharixiinta xilka madaxweynaha iyo dad shacab ah oo bannaanbaxayay.

“Waxaan horre u aaminsaneyn haddana noo caddaaday in Madaxweyne hore Farmaajo aanu nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay, waxay maaweelayaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in awoodda dalka xoog ku heysan karo sharci darrana ku sii joogi karo”

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.