Qaramada Midoobay oo Baaq ka soo Saartay Xaaladda Muqdisho iyo Xaaladda Gurracan ee Farmaajo

WAKIILLADA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA 2021
WAKIILLADA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA 2021

Muqdisho(aftahannews):- Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa (Qaramada Midoobay), ayaa ku baaqday in la joojiyo iska hor-imaadyada Hubaysan ee xalay iyo gelinkii hore ee Jimcihii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, isla markaana lagu dedaalo inaanay sii socon ee la soo afjaro.

WAKIILLADA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA 2021
WAKIILLADA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA 2021

Baaqan ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM, ayaa yimi ka dib markii ay ciidanka dowladdu weerar xalay ku qaadeen Huteel Ma’ida oo ay degganaayeen Madaxweyneyaashii hore iyo Guddoomiyihii hore Baarlamaanka ee Soomaaliya, maantana rasaas kala hortageen Bannaanbax ay hoggaaminayeen Musharrixiinta Mucaaradka ah ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay iyo Beesha caaalamku waxay ugu baaqeen degganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ay boorriyeen in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha kasoo cusboonaaday Muqdisho.

Bahda Qaramada Midoobay, waxay sheegeen in degdeg lagu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta doorasho.

Xaaladda magaalada Muqdisho, oo maanta aad u kacsanayd, ayaa caawa deggan, inkasta oo dhaqdhaqaaqa Dadweynuhu aad u kooban yahay oo waddooyinka weli ciidammadu dhooban yihiin. 

afthaninc@gmail.com

Aftahannews.com.