DEG DEG: Ciidamada Soomaaliya oo Weerar ku qaaday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen Hotel Ma’ida oo ay degan yihiin isaga iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed

Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo daadinayo dhiigga shacabka.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinaya bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegaya inuu istaagay Iska hor-imaad xoog leh oo halkaas ka qarxay goor sii horreysay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.