Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen Hotel Ma’ida oo ay degan yihiin isaga iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed
Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo daadinayo dhiigga shacabka.
“Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinaya bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegaya inuu istaagay Iska hor-imaad xoog leh oo halkaas ka qarxay goor sii horreysay.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya.