Gaboose iyo Maxamuud Xaashi oo ka Hadlay Qodob ay Taageereen oo Hankooda Caqabad ku Noqday

Hargeyasa (Aftahannews) – Qaar ka mid ah Hal-doorka siyaasiyiinta Somaliland, ayaa ka warramay Sooyaalka Siyaasadeed ee uu dalku soo maray, wxayna si gaar ah uga warrameen jidkii loo soo maray nidaamka dimuqraadiga ah iyo Xisbiyada badan.

Siyaasiyiinta oo ay ka mid yihiin Dr, Maxamed Cabdi Gabboose iyo  Maxamuud Xaashi Cabdi oo Maanta ka qayb-galay Hadhimo-sharrafeed uu Musharrax reer Hargeysa ahi u sameeyay, ayaa si gaar ah isku dul-taagay Tirada Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo uu Dastuurku ku Xadiday inay ahaadaan Saddex, inkasta oo xilligii Dawladdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la unkay laga yeeshay dood biyo-dhaceedu ahaa inay tiradoodu ka badato Saddex, laakiin Guddi arrintaa loo saaray ku adkaysteen inay saddex noqdaan, go’aankaasi oo ah ka la sharciyeeyay ee Dastuurka lagu qoray, hase-yeeshee qodobkaasi oo ay kaga aragti duwanaayeen Madaxweyne Cigaal oo doonayey in Xisbiyadu noqdaan kuwo furan, ay hadda qirsan yihiin in qodobkii ay xilligaa taageersanaayeen uu caqabad ku noqday iyaga laftooda.

Warkaasi oo Faahfaahsan Halkan Hoose Ka Daawo

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office