Dowladda Kenya oo ka hadashay inay ka qeyb-galeyso dhageysiga Dacwadda Badda iyo in kale

Farmaajo iyo Uhuru
Farmaajo iyo Uhuru

Nairobi (Aftahannews)- Xilli 15-ka bisha March ee sanadkan 2021 loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya waxay ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwaddaas iyo inkale.

Inkastoo dowladda Kenya ayna si rasmi ah uga hadlin mowqifkeeda ku aadan ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda ayaa haddana ilo katirsan dowladda Kenya waxay sheegeen in Kenya ay dhageysiga dacwadda badda ka qeybgeli doonta, ayna kaga qeybgeli doonta qaab fogaan arag ah.

“Maadaama aynu ka tirsanahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, waan ku gowracanahay in aan ka qeybgalno oo aan u hogaansano amarka maxakamadda”, ayuu qof katirsan dowladda Kenya u sheegay.

Farmaajo iyo Uhuru
Farmaajo iyo Uhuru

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa 13-kii bishan gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Sida ku caddeyd qoraal ay maxkamdda u dirtay Soomaaliya xilligaas, dhageysiga dacwadda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha March sida markii horeba qorshuhu ahaa.

“Ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay doodaha labada dhinac ay soo gudbiyeen ayaa waxay go’aansatay in jadwalka dhageysiga u sidiisii ahaado, wuxuuna billaabanayaa 15-ka march 2021”, ayaa lagu yidhi qoraal ay maxkamaddu u dirtay Soomaaliya oo dacwaddan maxkmadda gaysay 7 sano ka hor.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay maxkamadda.

Ra”iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga oo qaab fogaan-arag ah lagu qaban doono.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.