Beesha caalamka oo farriin deg deg ah u dirtay madaxda dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada

Dalalka Beesha caalamka
Dalalka Beesha caalamka

Muqdisho (Aftahannews)- Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxay sidoo kale soo dhoweeyeen baaqooda ku aadan in madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ay kulmaan 18ka February, waxayna ku booriyeen madaxda inay tallabadaas ku dhaqaaqaan, si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.

Dalalka Beesha caalamka
Dalalka Beesha caalamka

Dhinaca kale, danjirayaasha beesha caalamka ayaa maanta khadka tooska ah kula kulmay wakiilo ka socday Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha, waxayna kala hadleen baahida loo qabo in qof walba uu ka shaqeeyo sidii dhaqso loogu qaban lahaa doorashooyinka.

Danjirayaasha waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimada heshiiskii doorashada 17-kii Sebtember ee ay wada gaadheen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, si dhammaan dadka hamiga leh ay ugu tartamaan doorka hoggaamineed ee doorashada ee Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.