Xukuumadda Somaliland oo Kafaalo qaaday Tacliinta Gabadh Muuqaal Laga Duubay

Ayaan Maxamed Yuusuf
Ayaan Maxamed Yuusuf

Hargeysa (Aftahannews)- Wasaarada waxbarashada ee Somaliland ayaa maanta deeq waxbarasho siisay, Ayaan Yuusuf Maxamed oo ah gabadh da’a yar oo gabadh ay qaraabo ahayeen oo ay ushaqaynaysay ka duubtay muuqaal iyada oo u hanjabaysa isla markaana ay muuqaalkii baraha bulshada ku baahisay, taasi oo sababtay in ay dadwaynuhu ka cadhoodaan.

Wasiirka wasaarada Waxbarashada Somaliland Maxamuud Diiriye Toorno iyo sarakiil sar sare oo katirsan wasaarada ayaa, maanta xafiiska wasaarada ee Hargeysa ku qaabilay Ayaan Yusuf Maxamed oo muuqaal ay ka duubtay gabadh ay shaqaale u ahayd uu baraha bulshada qabsaday, hadaba wasaarada waxbarashada ayaa maanta u balan qaaday Ayaan in dawladu bixinayso dhamaan qarashaad keeda waxbarasho.

Ayaan Maxamed Yuusuf
Ayaan Maxamed Yuusuf

“Ayaan sababta aynu u qaabilay waxa weeyi, in waxbarshadeeda ay wasaradu damanad qaado, ilaa markay bilawdo ilaa markay dhamayso, Meesha ay iyadu ka gaadho, barigii dhawayto ee aynu warbaahinta ka daawanay, waxyaabihi ayla kulantay oo laga yaabo in ay cidkalena ku dhacaan, inagoo caruurta Somaliland oo dhan masuul ka ah, hadana dee kuwa uu dhib lasoo darso ama ha yaraado ama ha waynadee, dee damqashadeeda ayaynu leenahay” ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

Wasiirka ayaa sidookale faray dhamaan shacabka Somaliland, in lala dagaalamo tacadiyada ka dhan ka ah caruurta.

“Dhamaan reer Somaliland waxanu ka rajaynaynaa, in aynu la dagaalano, oo aynu joojino cidkasta oo tacadi ku samaynaysa caruurta, iyo qofkasta oo jilicsan. Ayaan na waxa aynu ka rajaynayaa in marka ay waynaato ee ay waxbarashada dhamayso ay ka shaqayso sidii ay ugu gargaari lahayd caruurta aan fursad u helin waxbarashada  ama dadka dhiban”. Ayuu hadal kiisa ku daray wasiirka waxbarashadu.

Xukuumadda oo Kafaalo qaaday Waxbarshada Gabadhyar oo Muuqaal laga Duubay
Xukuumadda oo Kafaalo qaaday Waxbarshada Gabadhyar oo Muuqaal laga Duubay

Intaa kadib na gabadha yar waalid keeda ayaa dowladda uga mahad celiyay deeqda waxbarasho ee ay u fidisay Ayaan.

“Sided wada aragteen Ayaan gabadh qoyskeeda ah ayay dhibaato kasoo gaadhay, maanta waxanu joognaa wasaarada waxbarashada, wasiirku wuxu balan qaaday in waxbarasho bilaasha uusiin doono, is garabtaaga ay wasaradu is garabtaagtay, iyadoo markii horena ay dawladu is garabtaagtay oo baanka shaqo laga siiyay, aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa wasiirka waxbarshada, Maxamed Diiriye.” Shaafici Ciise oo ah Ayaan abtigeed ayaa sidaa yidhi.

Dowlada ayaa Ayaan shaqo ka siisay baanka dhexe ee Somaliland xaruntiisa magaalada Hargaysa, maalmo kadib markii ay tacadiga la kulantay, iyadoo gabadhii tacadiga kula kacday oo lagu magacaabo Samsam Kaahin na xabsiga loo taxaabay iyadoo waajahaysa eedaymo la xidhiidha ku tacadi xuquuq caruureed.

Siday Ayaan dhibaatadu kusoo gaadhay?

Wakhtigu waa horaantii bishii Jenawry ee sanadkan 2021 ka, Ayaan waxa ay ka shaqaynaysay guriga Samsam Kaahin oo ay qaraabo ahaayeen, kadibna Samsam ayaa jikada (madbakha) ugu soo galaysa Ayaan oo weel maydhaysa (dhaqaysa), kadibna intay kamarada telefoon keeda furto ayay ku odhanaysaa “naa yaa ku soo diray?. Yaa ku yidhi soo sumee? Maxad cuntada sunta iigu dartay?. Iyado waliba u hanjabaysa Ayaan yar na waxay markastaba ku cel celinaysay in aanay wax dambi ah gali, iskuna dayin in ay sumayso.

Muuqaal kaasi oo ay Samsam markii danbe  baraha bulshada ku baahisay, ayaa keenay cadho iyo fal celin balaadhan oo ay ka sameeyeen shacabku.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.