Guddiga Doorashooyinka Itoobiya oo War ka soo saaray Xaaladda Ururka ONLF

Guddiga Doorashooyinka Itoobiya
Guddiga Doorashooyinka Itoobiya

Hargeysa (Aftahannews)- War saxaafadeed ay soo saareen Gudida Doorashooyinka dalka Itoobiya ayay kaga hadleen xaaladda uu ku sugan yahay Ururka ONLF.

Guddiga ayaa sheegay inay hawada u laaleen warbixin kasoo gaadhay garabka uu hoggaamiyo Riyaale Xaamud Guddoomiye ku xigeenkii hore ee ONLF, oo lagu sheegay in xilkii guddoomiyenimo laga qaaday Guddoomiyaha ONLF, C/raxmaan Sheekh Mahdi Maaday, isla markaana si kumeel gaadh ah xilkaas usii hayo Riyaale Xaamud.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa laalay go’aankii hadda ka hor ay gaadheen dhinaca kale ee uu hoggaamiyo Guddoomiye C/raxmaan Sheekh Mahdi, kaas oo lagu sheegay in xubno ururka kamid ahaa qaarna ururkii laga saaray, kuwa kalena shaqo fadhiisin lagu sameeyay muddo 6 bilood ah.

Guddiga Doorashooyinka Itoobiya iyo Ururka ONLF
Guddiga Doorashooyinka Itoobiya iyo Ururka ONLF

Haddaba Guddiga Doorashooyinka Itoobiya oo dhinacyo badan ka eegay go’aanada ay soo kala saareen labada dhinac ayaa ku tilmaamay kuwo aan loo marin wadadii sharciga, isla markaana ku sheegay go’aanadaas kuwo aan aqbalaad lahayn.

Ururka ONLF ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay dhibaatooyin ka dhex jiray gudaha ururka, iyadoo xilliyo kala duwan marna xubno laga tallaabo qaadayay, isla xubnahaasina sheegayeen inay iyaguna ka qaadeen xilkii Guddoomiye C/raxmaan Sheekh Mahdi Maadey.

Balse go’aanka ay kasoo saareen arrinta ONLF Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa u muuqda mid dib loogu celinayo xallinta khilaafka ka dhex jiray gudaha ONLF.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay ONLF, oo ku saabsan go’aankii shalay kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Itoobiya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.