Qaramada Midoobay oo loo gudbiyey Qoraal la xidhiidha Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

QARAMADA MIDOOBAY
QARAMADA MIDOOBAY

Muqdisho (Aftahannews) – Pan-African oo ah koox u dhaqdhaqaaqda arrimaha qowmiyadaha Afrika, ayaa warqad ay u qoreen Xoghayaha Guud, ee Qaramada Midoobay António Guterres, waxay kaga dalbadeen in dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya dib loogu dhigo.

Guddoomiyaha kooxdan, David Matsanga ayaa sheegay in sii wadista dacwadda ee khilaafka ICJ ay sababi karto xiisado hor leh iyo isku dhacyo cusub oo ka dhaca gobolka oo horeba aan u degganayn sababo la xidhiidha cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee cakiran ee labada dal.

David Matsanga
David Matsanga

“Mudane Xoghayaha guud waxaan aaminsanahay in xukun kasta oo ka soo baxa ICJ uu dhalin doono dagaal aad u xun oo ka dhaca aag ay wali colaada Soomaaliya ka taagan tahay,” ayuu Matsanga ku yidhi warqadiisa uu u diray madaxa UN-ka.

Warqadda ayaa daba socota go’aan ay qaadatay maxkamadda ICJ oo ay ku diiday dalabkii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo markii afaraad.

Diiwaanhayaha maxkamada Philippe Gautier ayaa sabtidii ku wargaliyay Kenya iyo Soomaaliya labadaba in dacwadu ay u socon doonto sidii loogu talagay laga bilaabo 15-kii March ee sannadkan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.