Ismaaciil Buubaa oo Hiil cad u muujiyay Madaxweynaha Wakhtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya

Ismaaciil Buubaa, Midowga Musharixiinta iyo Farmaajo
Ismaaciil Buubaa, Midowga Musharixiinta iyo Farmaajo

Hargeysa (Aftahannews)- Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa Midawga Musharixiinta ee Soomaaliya u soo jeediyay, in ay wadanka fawdada ka daayaan, isagoona sheegay in anay suuragal ahayn in Farmaajo xilka laga qaado iyadoo aan madaxwaynihi badali lahaa la dooran.

Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegay in mudaxileedkii dowlada Soomaaliya uu dhamaday balse anay kursiga banayn karin ilaa laga soo doorto dowladii badali lahayd.

Ismaaciil Buubaa, Midowga Musharixiinta iyo Farmaajo
Ismaaciil Buubaa, Midowga Musharixiinta iyo Farmaajo

“Wakhtigii wuu ka dhamaday laakinse, ilaa la helayo cid badasha baarlamanka iyo madaxweynaha, cidii hore meesha ka tagi mayso, hadii kale dawlad nimadii baa dumaysa, dawlad nimadu in ay meesha ka baxdo maaha, dawlad nimadu waata mucaarad kuna u tartamayo cid walibana ay doonayso in ay soo gasho”. Ayuu yidhi Prof Buubaa.

Buubaa ayaa sidoo kale sheegay in golaha midawga musharixiintu ay doonayeen in ay ridaan dowlada, laakinse ay taasi hada u caddatay in anay suuragal ahayn.

“Midawga musharixiinta qolada isku sheegta, ayaa goroyo khaakhlayn la yaable la mooda inay had iyo gooraale wado, oo is leh waxad eryi kartaan madaxweynaha iyo barlamaanka, waala badali karaa lakinse waa in ay doorasho dhacdaa, kolkaa waxay islahaayeen hadii bisha sideed (8) deebada hadii ay gaadho in ay meeshu isku dumayso, oo Meesha loo banaynayo, waxa imika u caddatay in anay taasi suuragal ahayn”. Ayuu yidhi Prof Buubaa.

Buubaa ayaa intaa ku daray in ay suuragal tahay in doorashada Soomaaliya laga heshiiyo maadama oo ay buu yidhi iska tahay doorasho dadban oo aan ahayn doorasho hawl badan u baahan sida ta Somaliland oo kale.

“Baydhaba waa ta la fadhiyo, aniga waxay ila tahay in halkaa lagu heshiin doono, oo ay suuragal na tahay in doorasho loo wada dhanyahay oo dadbani ay dhacdo, maaha runtii doorasho caadiya, ta Somaliland oo kale ka dhacda maaha, waa doorasho dad ban, gabi geeduba wax sidaa u sii wayn maaha, wax wakhti dheer qaadanayana maaha, waxa weeyaan uun is afgarasho in ay meeshi timaado” Ayuu yidhi Prof Buubaa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.