Guddiga Doorashada JSL, Xisbiyada & Dowladda Oo Ka Shiray Buuxinta Shuruudaha Musharrixiinta Laga Rabo

Hargeysa (Aftahannews)- Guddiga  doorashooyinka Qaranka Somaliland, Masuuliin ka kala socday saddexda Xisbi, ayaa maanta yeeshay kulan lagaga wadahadlay dhaqangelinta Shuruudaha Xeerka doorashooyinka iyo diiwaangelintu ku waajibiyey Musharrixiinta doorashada golayaasha deegaanka iyo Wakiillada isu taagaya.
Sidaa waxa lagu sheegay qoraal caawa ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland, waxaanu u dhignaa  sidatan:- “Gudidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada loo dardar-gelin lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka Somaliland.
Laamaha Dawlada ee kala duwan ee shirkan ka qayb galay ayaa doorar kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha cadeynaya Shuruudaha buuxintooda uu Xeerku ku waajibiyey Murashixiinta sida Shahaadooyinka Waxbrashada, Cashuur-bixinta, Deebaajiga, Dambi-la’aanta, Shaqo ka-tegista Shaqaalaha Dawladda, Warqadaha Caafimaadka, iwm.
Waxaana si qoto-dheer lays kula eegay sidii Xisbiyada, Hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo Koomiishanka Doorashooyinka u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta Qoddobada Xeerka sida Shuruudaha ku xidhan Murashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.