Maxaa Ka Jira in 30 Qof ay Muqdisho ugu Geeriyoodeen cudurka Covid-19?

Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur
Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur

Muqdisho (Aftahannews) – Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay warar sheegaya in 30 qof ay Muqdisho ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19, arrinataas oo baraha bulshada aad loogu faafiyay 24-saac ee ugu dambeeyay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur, oo shir jaraa’id ku qabatay gudaha isbitaalka Martiini ayaa sheegtay in xalay illaa saaka ay isbitaalka ku geeriyoodeen shan ruux oo oo kamid ahaa bukaanadii u jiifay covid-19.

Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur
Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur

Waxay Wasiirka caafimaadku ka digtay in wararka been abuurka ahi ay kasii dari karaan xaaladda covid-19, loona baahan yahay in laga feejignaado laguna xidhnaado xogta wasaaraddu ka bixiso hadba halka uu marayo waxa kusoo kordha cudurka.

“Dadka in la cabsi galiyo waa qalad, waxaa jira dad badan oo cudurkii uu hayo, haddii ay maqlaan wararka been abuurka ah waxaa macquul ah in ay isbitaalka cabsi ka qaadaan oo ayna helin daryeel iyo la talin,” ayay tidhi Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale beenisay in ay jirto Oxygen la’aan ka jirta isbitaalada lagu hayo dadka qaba Covid-19, taas oo keentay in ay dad u dhintaan, inkastoo ay tilmaamtay in mararka qaarkiis ay cidhiidhi gasho.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.