Midowga Musharrixiinta Soomaaliya oo Digniin Culus u Jeediyey Dowladda

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews)- Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa uga diggay dowladda Soomaaliya in ay carqaladeyso dibadbaxa lagu waddo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee lagaga soo horjeedo madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ku baaqay dibadbaxan ayaa uga diggay laamaha amniga in ay is hortagaan isku soo baxa dadweynaha, balse taa badalkeeda looga baahan yahay in ay sugaan nabad-galyada dadka dibadbaxa ka qeybgalaya maadaama dibadbaxu yahay mid nabaddeed oo dadku shacuurtooda ku muujinayaan.

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

“Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Amniga waxaan ugu baaqeynaa in aanay carqaladeyn banaanbaxa, waxaana laga doonaayo in ay sugaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.”ayuu yidhi Musharax Geelle.

Midowga musharixiinta ayaa dibadbaxan ku tilmaamay in uu yahay mid nabaddeed oo shacabku ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan sii joogitaanka madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Soomaaliya ee muddo xileedkiisu ku eekaa 8dii bishan February.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login