Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Magaaladda Baydhabo

Shirka Baydhabo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada
Shirka Baydhabo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada

Baydhabo (Aftahannews) – Magaalada Baydhabo waxaa uu maalintii shalay shir uga furmay guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood kuwaa oo kala  socda DF, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Guddiyadan ku shirsan magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay u sii ogol xaadhayaan shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee lagu waddo in dhawaan uu dhax-maro madaxda DF, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo qorshuhu ahaa in uu furmo maalintii shalay laakiin dib u dhac uu ku yimid.

Shirka Baydhabo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada
Shirka Baydhabo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada

Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay shirka hormar ballaadhan laga sameeyay, waxaana ay kulamadu socdeen ilaa wakhtigii danbe ee xalay.

Waxaa uu sheegay Wasiir Saalax shirkan uu ka rajeynayo in uu gogol xaadh wanaagsan u noqdo kulanka dhaxmari doona hoggaanka guddiyada halkan ku shirsan iyo isfaham buuxa laga gaadho khilaafka doorashada.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo shalay daah furay shirka isaga oo kula soo xidhiidhay aalada Internetka ayaa u rajeeyay guddiyada in kulamadooda guul ka gaadhaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.