Qoys Soomaali ah oo Booliska Norway Dhibaateeyey oo Saacado ku Taajiray

Qoys Soomaalida ah ee 24 saacadood ku taajiray
Qoys Soomaalida ah ee 24 saacadood ku taajiray

Oslo (Aftahannews)- Maxamed Jaamac waa aabe Soomaali ah oo isaga iyo qoyskiisa ay ku nool yahiin magaalada Oslo ee dalak Norway, muddo 24 saac ayuuna ku taajiray kadib markii lacago looga aruuriyay Internet-ka.

Qoyskan waxay daganayaan guryaha ay maamulanaa dowladda Hoose, gaar ahaan degmada Toyen eek u yaalla Caasimadda, ayaa la kulmay dhibaato kaga timid dowladda Hoose kadib markii dhaqaalaha bishii lasoo dhaafay uu gaadhay darajadii guriga lagaga saari lahaa.

Maxamed iyo Dowladda Hoose waxey ku heshiiyeen hadii dakhliga soo galo bishii uu dhaafo wax ka badan 15 kun oo Karoon oo u dhiganta $1,500 (Kun iyo Shan Boqol Doolar) inuu raadsan doono guryaha gaarka loo leeyahay ee kiradoodu qaaliga tahay, waa sida ay ku sheegeen kooxda Dowladda Hoose.

Qoys Soomaalida ah ee 24 saacadood ku taajiray
Qoys Soomaalida ah ee 24 saacadood ku taajiray

Maadaama uu soo galay dakhli ka badan intii lagu heshiiyay, maamulka Dowladda Hoose waxey ku wargaliyeen inuu baneeyo guriga, aabaha guriga (Maxamed Jaamac) wuxuu warqad cabasho ah u diray dowladda Hoose kana codsaday in loo naxariisto oo aan guriga laga saarin, maadaama lagu jiro xilli (COVID19) uu jiro, sidoo kalana qabow daran uu jiro, isagana ay u joogaan Caruur aad u yar-yar.

Dowladda Hoose wey ku gacan sadhay cabashadii aabaha Soomaaliga ah, waxayna go’aan ku gaadheen in loo diro Boolis si guriga looga saaro, waxaana banaanka loo soo saaray qoyskii xilli uu jiro qabow aad u daran.

Booliska waxey ku qanciyeen qoyska iney heystaan amar dowladeed, isla markaana ayna waxba ka badali karin, waxeyna qoyska usoo bandhigeen iney raacaan oo ay intii habeenkaas ah seexdaan goobaha la seexiyo dadka wadooyinka laga qaado ee sarkhaddu ka badato ama isticmaalaha maandooriye xad dhaaf ah.

Maxamed Jaamac iyo qoyskiisa wey ka diideen Booliska iney halkaas u raacaan, isla markaana ay seexdaan goobtaas.

Gabadh aan magaceeda la faafin balse reer Norway ah oo daris la aheyd qoyska ayaa dhibaatada qoyska iyo waxa ay ka ogtahay xaaladda ku faafisay baraha bulshada, taasna waxey keentay in dowladda Hoose ay la kulanto dhaleeceyn shacabka kaga timaada, ilaa laga codsado iney iska casilaan xilka.

Gabadha waxey dadka reer Norway ka dalbatay in qoyskaan laga bixiyo lacagta dibaajiga ah ee guryaha kirada la isaga qaado oo dhan 50,000 Karoon, balse ay saacad gudaheed dadka ku bixiyeen, waxeyna ku qasbanaatay iney badasho mowduuca sheekada ilaa ay gaadhsiiso in loo iibiyo guri.

24 Saac gudahood waxaa loo aruuriyay lacag dhan 1 Malyan oo Karoon, waxeyna maamulka Dowladda Hoose hadda kala shaqeynayaan inuu helo guri uu iibsado si ay xalka dhibaatada qeyb uga noqdaan.

Aabe Maxamed Jaamac iyo hooyo Aamina waxey heleen garabka dadka reer Norway, waxaana loo aruuriyay lacag aan caadi aheyn, dowladdu ma canshuuri doonto sida la sheegay, sidoo kalana website-ka IPAS ee lacag aruurinta laga sameeyay ayaan isna khidmad ka qaadi doonin.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.