Somaliland oo sheegtay inay ka qayb-qaadanayso taageeridda dadka reer Puntland ee Roobabka iyo Dabayluhu dhibaateeyeen

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay taageero ka geysan doonto dadka reer Puntland ee dhibaatooyinku ka soo gaadheen Roobabka dabaylaha wata ee tan iyo bilawgii toddobaadkan ka da’ayey Deegaannada Xeebta ee Maamulkaas, isla markaana waxay Xukuumaddu waxay dadkeeda uga digtay Roobabka is-daba-joogga ah ee labadii maalmood ee u dambeeyey ka da’aya dhulka Somaliland.

Wasiirrada arrimaha gudaha iyo dibedda ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Maxamed Biixi Yoonis, oo maanta shir jaraa’id ku wada-qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Roobabka ka da’aya Somaliland labadii maalmood iyo labadii habeen ee u dambeeyey aanay khasaare buuran geysannin. Waxaanay bulshada ugu baaqeen inay meelaha biyo-mareenka ah iyo Dooxyada ka fogaadaan, maaddaama oo la saadaaliyey in labada maalmood ee Arbacada iyo Khamiista ee toddobaadkan (Berri iyo saadambe) Roobabku sii xoogaystaan.

 

 

Wasiirka Arrimaha dibeda Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horrayn ka hadlay Shirkaas Jaraa’id, ayaa sheegay in aanay wali Roobabka da’ayaa khatar weyn keenin, hase-yeeshee laga cabsi qabo haddii ay sii socdaan in daadadku keenaan dhibaato.

Wasiir Biixi waxa uu Tacsi u diray isaga oo ku hadlaya af-ka Xukuumadda Somaliland dadka ku geeriyooday Roobabka iyo Dabaylaha ku dhuftay dadka Reer Puntland, waxaanu xusay inay Xukuumadda Somaliland taageero ka geysan doonto dhibaatooyinkaas, isla markaana qayb ka noqon doonto dawladaha u gurman doona dadkaas.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa isna dhiniciisa sheegay in Roobka lagu wado illaa khamiista in uu di’I doono, isla markaana cabsi badani jirto, waxaanu dadweynaha Reer Somaliland uga digay safarrada ay ugu baxayaan Goboladda isagoo sheegay in Dooxyadu halis yihiin. Waxaanu ugu baaqay inay ka fogaadaan deegaannada godanka ah.

Wasiir Waran-cadde waxa uu sheegay Xukuumad ahaan inay bilaabeen qorshe ay ugu diyaar-garoobayaan in ay kaga hor-tagaan khasaaraha ka dhasha Roobabkan, isaga oo xusay in wararka ay helayaan sheegayaan illaa laba qof in ay u dhinteen, isla markaana Berbera guryo ku dumeen.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay wararka hordhaca ah ee ay helayaan in ay ka mid yihiin magaalada Saylac oo biyo fadhiisteen, isla markaana khatar ku jirta, halka Burco iyo hawdkana uu xusay in ay qaylo-dhaani ka soo gaadhayso.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.