Tirada Dadka u Dhimanaya Covid-19 ee Soomaaliya oo kordhay

Coronavirus
Coronavirus

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa kordhaya tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, isla markaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

Coronavirus
Coronavirus

Sidoo kale, Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa digniin culus kasoo saartay halista faafitaanka cudurka Covid-19 oo mar kale soo labo kacleeyay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay, marka loo eego tiro-koob la sameeyay bishan in ay muuqato in cudurku saa’id u faafayo ayna jirto dhimasho horleh.

Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur
Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur

Drs Fowsiyo ayaa sidoo kale Bulshadda la wadaagtay talooyin muhiim ah oo ah in ay ka dheereeadaan meelaha saxmada leh iyo ku dadaalida nadaafadda iyo in ay Bulshadu isticmaasho Afxirka xiliyada Kulamada, Shirarka iyo Meelaha laga raaco gawaadhida.

Maalintii shalay wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 91 qof laga helay cudurka Covid-19, halka afar qofna ay u geeriyoodeen.

Tirada ugu badan ee dadka cudurka laga helay ayaa ku nool magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, waxaana kusoo xiga dowlad goboleedka Puntland.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay diyaarisay qeybo cusub oo lagula tacaalidoono dadka uu soo rito cudurka, waxaana suurtagal ah in xukuumadu soo rogtay awaamiir cusub oo lagu Xakamaynayo faafitaanka cudurka Coronavirus.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.