Gabiley(aftahannews):- Mid ka mid ah Beelaha dega gobolka Gabiley, ayaa Shaaciyey laba Musharrax oo ay sheegeen inay Beeshu isku raacday oo u tartami doona doorashada isku sidkan ee golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland lagu wado inay ka qabsoonto 31-ka May 2021-ka.
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Isniintii maanta lagu qabtay magaalada Gabiley, ayaa lagu soo bandhigay labada Musharrax ee ay Deegaanka iyo Wakiillada u soo xushay Beesha Bahabar-Aadan, taas oo ay ka qaybgaleen Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Wax-garad, Odayaal, Haween, Dhalinyaro, Mudan iyo Marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo lagu faahfaahiyey habkii loo soo xulay labada Musharrax iyo sida loogu baahan yahay in loo soo saaro doorashada marka la gaadho.
Haddaba, hadallada ay Xafladdaas ka jeediyeen Musharrixiinta, Xubno u tanaasulay, Odayaasha Dhaqanka iyo Dad kaleba, waxaannu warkooda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Gabiley/Somaliland.