Puntland oo Al-shabaab ka qabsatay Saad iyo Gaadiidd Afar Lugoodleyaal ah

Galgala (Aftahannews) – Ciidamada maamul goboleedka Puntland ee ku sugan buuraha Galgala ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ee Galgala.

Ciidamadu waxay sheegeen inay soo qabteen sahay iyo gaadiidkii ay Al-shabaabku wateen kana ka carareen oo iskugu jiray Dameero iyo Awr.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay maalintii shalay soo bandhigeen xubno kamid ah Al-shabaab oo la  sheegay in ay qaabilsanaayeen qaraxyada lagu aaso waddooyinka ciidamada adeegsadaan.

Waxay kaloo ciidamadu sheegeen in ay qabteen walxaha laga sameeyo qaraxyada kadib howlgal laga sameeyay buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.