Dib u dhacay ku yimid Shirkii Waddatashiga Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobolleedyada

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobolleedyada
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobolleedyada

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku baaqay in 15ka bisha February oo maanta ku beegan magaalada Garoowe uu ka furmayo shir wada tashi ah oo ay isugu imanayaan madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Laakiin shirkan ayaa dib u dhacay kaddib markii madaxda Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda dhexe isku qabteen halka shirkan uu ka dhacayo kaddib markii Puntland ku gacanseydhay in lagu qabto magaalada Garoowe.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobolleedyada
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobolleedyada

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa maalntii shalay magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo yeelan doona kulamo loogu gogol xaadhayo shirka uu iclaamiyay madaxweynaha sii haya xafiiska ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiyadan oo mid labo xubnood ka kooban ayaa la filayaa in ay ku shiraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Marka laga soo taggo guddiyada uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha waxaa wali jirta hubinta la’aan la xidhiidha halka uu ka furmayo shirka ay isugu imanayaan madaxda DF iyo Dowlad gobolleedyada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.