Puntland oo wali ku adkeysanaysa in shirkii Farmaajo ku baaqay uu Muqdisho ka dhaco

Garoowe (Aftahannews)- Maamul goboleedka Puntland ayaa wali ku adkeysanaya in shirkii uu ku baaqay madaxweynaha uu xilku ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu baaqa shirka soo saaray waxaa uu sheegay in shirkaas lagu qabanayo magaalada Garoowe ee xaruunta maamulka Puntland, hase yeeshee maamulka ayaa xiligaas sheegay in aan lagala tashan sidaas darteedna ay soo dhaweynayaan shirka balse ay iyaguna soo jeedinayaan in shirka lagu qabto Muqdisho.

Mucaaradka iyo maamulka Jubaland ayaa iyaguna Puntland ku raacay in shirka lagu qabto Muqdisho maadama ay xudun u tahay waxyaabo badan oo muhiim u ah shirka la doonayo in lagaga hadlo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ah wasiirka war-faafinta maamulka Puntland kana mid ah guddiga maanta uu magacaabay raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa BBC-da u sheegay in wali aanay waxba iska badalin mowqifkoodii hore ee ahaa in shirku uu ka dhaco caasimadda Soomaaliya.

Hadalkaan ka soo yeedhay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya iyadoon ilaa iyo hadda la ogeyn halka shirku ka dhacayo kaas oo wakhtigii lagu baaqay ay saacado kooban naga xigaan.