Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Isbedelka la sheegay in lagu sameeyey Qareenadii kiiska badda?

Soomaaliya iyo Kenya
Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay wararka sheegaya in wax ka bedel lagu sameeyay qareenadii u doodayay kiiska dacwadda Badda oo ay kala dhaxeyso dowladda Kenya.

Af-hayeenka xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay inaanu jirin isbadal lagu sameeyay qareenadaas, ayna sidoodi u gudanayaan waajibaadka ay dowladda federaalka u igmatay.

Qareenada ay Soomaaliya u xilsaartay difaacida kiiska dacwadda Badda ayaa kala ahaa; Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dhageysiga dacwadaas oo billaabaneysa 15-ka March.

Soomaaliya iyo Kenya
Soomaaliya iyo Kenya

“Qareennada difaacaya kiiska Dacwadda baddeena wax isbaddal ah marnaba laguma sameynin, walina iyagii ayaa nagu matali doona difaaca iyo dhagaysiga oo loo madlanyahay 15-19 March, 2021. Qareennada waxay kala yihiin Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet,” ayuu yidhi Maxamed Macalimu.

Kiiska dacwadda badda ayaa waxa uu horyaala Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), taasi oo dhowr jeer dhageysigeeda dib u dhigtay, iyada oo shalay ku gacan saydhay dalab uga yimid Kenya, kaasi oo ay ku codsaneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda.

“Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fikirnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiidh Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ.

Philippe Gautier ayaa intaas ku daray in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, wuxuuna labada dhinac ku war-geliyey inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku matli doodad.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, iyada oo sheegtay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto, arintaasi oo ay ka hortimid dowladda Soomaaliya.

Dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sida hore loo qorsheeyey waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.