Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Japan

Dhul Gariirka ku dhuftay Jaban
Dhul Gariirka ku dhuftay Jaban

Tokyo (Aftahannews)- Boqol qof iyo dheeraad ayaa ku dhaawacmay dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay meel ka durugsan xeebta Fukushima ee dalka Japan.

Dhul-gariirkan oo xoogiisu ahaa 7.3 ayaa aad looga dareemay Tokyo laakiin digniin Sunaami lama soo saarin.

Dhul-gariirkani wuxuu dhacay qiyaastii 23:08 habeenimo xiliga Japan, waxaanay xuduntiisu ahayd badda dhexdheeda meel berriga u jirta 60 km.

Guryo lagu qiyaasay ilaa hal milyan oo guri ayaa laydhku ka go’ay, waxaana joogsaday tareennadii. Laalkiin ilaa haatan ma jiro wax khasaare ah oo laga soo sheegay oo gaadhay warshadaha nukliyeerka.

Dhul Gariirka ku dhuftay Jaban
Dhul Gariirka ku dhuftay Jaban

In kasta oo ay saraakiishu dadka niyadda u dejinayaan, hadana dad badan oo ku nool xeebaha ayaa guryahooda ka qaxay oo u baxay dhulka sare ee buuraleyda ah, sida ay ku soo warantay wakaaladda wararka Kyodo ee dalka Japan.

“Xataa hadii nalagu yidhaahdo waxba ha ka biqina ma dhacayso Sunaamiye, ka rumaysan maayo” ayuu yidhi nin 50 jir ah oo wakaaladda la hadlay. “Waayo aragnimadii qadhaadhayd ee 10 ka sano ka hor aan u soo taagnaa ayaan wax ka bartay waana sababta aan uga baxayo gurigayga ee aan dhulkaa sare ee taagga ah ugu baxayo”.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.