Wasiir Faaratoon oo shaaciyay in uu yahay musharax u taagan Doorashasha Baarlamanka Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon

Laascaanood (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa Maanta Shaaciyay inuu u Tartami doono Xubin ka noqoshadda Golaha Wakiilladda ee la dooran doono 31-ka Bisha May ee sanadkan.

Wasiir Faratoon oo maanta goob fagaare ah kula hadlay shacabka dagmada Yagoori ee gobolka Sool, ayaa caddeeyay hankiisa uu ku doonayo in uu kaga mid noqdo xubnaha golaha wakiilada ee cusub, isagoona intaa ku daray in hadii uu ku guulaysto doorashada uu sidoo kale isku sharixi doono doorashada hogaanka aqalka wakiilada ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon

“Waxan rabaa in aan  idiin sheego, oo aan shaaciyo, in aan musharax u ahay golaha wakiilada, hiigsigayguna yahay in aan u noqdo gudoomiyaha golaha baarlamaanka Somaliland. Waa halgan mudo dheer qaatay, oo runtii sodon kaa sanadood aan ku jiray, u jeedadayduna waxay ahayd deegaankan iyo dadkan sidii ay aduunka wax ula qaybsan lahaayeen, ee ay dhibaatada uga bixi lahayeen hogaan siyaasideed in aan u noqdo, intaa say ahayde daraja doon iyo waxaa igama aha”. Ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Wasiir Faratoon ayaa intaa ku daray in uu doonayo in uu cod ka helo dhamaan dadka ku dhaqan gobolka Sool gees ilaa gees. Si buu yidhi ay dadka reer Sool u helaan hogaan siyaasadeed oo matala.

Wasiirka ayaa ilaa hada haya xilka wasiirka arimaha dibada ee Somaliland, mana  uu sheegin wali xiliga uu xilkaa iska wareejinayo, maadamada oo xeerku sheegayo in hadii shaqaale dawladeed uu doorasho isku taago uu ka tagayo shaqadii uu u hayay dawlada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.