Somaliland oo Qaramada Midoobay U Dirtay Dhukumanti Ka Kooban 7 Bog

Madaxweyne Muuse Biixi iyo James Swan
Madaxweyne Muuse Biixi iyo James Swan

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Qaramada Midoobay la wadaagtay Habka ay doonayso inay u wada shaqeeyaan, ka dib markii Khilaaf culus soo kala dhex galay Xukuumadda iyo Qaramada Midoobay.

Bishii March ee sannadkii 2020, ayaa waxa Xukuumadda Somaliland joojisay Hawlaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan gudaha Somaliland, ka dib markii ay soo baxday in qorshaha 4-ta sanadood ee soo socda ee Qaramada Midoobay ku hawl-galayso uu waafaqsan yahay Qorshaha Horumarinta ee ay dejisay Dawladda Soomaaliya.

Wixii intaa ka dambeeyay, waxa xidhiidh wada sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, si ay xal uga gaadhaan khilaafkaasi, balse Bishan horraanteedii ayaa waxa Magaalada Hargeysa soo gaadhay Ergayga Qaramada Midoobay James Swan, kaasi oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo James Swan
Madaxweyne Muuse Biixi iyo James Swan

Labada dhinac, ayaa ka wada-hadlay sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka ka dhashay habka Qaramada Midoobay doonayso inay uga hawl-gasho gudaha Somaliland, balse wax xal ah lagama gaadhin khilaafkii jira, hase-yeeshee waxay labada dhinac ku yeesheen inay sii wada-hadallada xalka lagu raadinayo khilaafkaasi, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada JSL  “Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay kaga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland..” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi.

Laakiin, intaasi ka dib, Xukuumadda Somaliland waxay Qaramada Midoobay u dirtay Dhukumanti ka kooban 7 Bog, kaasi lagu sharraxay isla-markaana lagu faahfaahiyey Habka ama Baratakoolka Somaliland doonayso in Qaramada Midoobay ula shaqayso, iyadoo ixtiraamaysa Madax-bannaanideeda.

Dhukumantiga Xukuumaddu u dirtay Qaramada Midoobay oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland isla-markaana ay baahisay Warbaahinta Somalilandchronicle.com, ayaa lagu sheegay in Somaliland doonayso in Qaramada Midoobay ula Macaamiisho si gaar ah “Jamhuuriyadda Somaliland waligeed kamay mid noqon nidaamka federaalka, xidhiidh rasmi ahna lama yeelan muddo soddon sano ah Soomaaliya…” ayaa lagu sheegay dhukumantiga ay Somaliland u dirtay Qaramada Midoobay, kaasi oo intaa ku daray  “Qaramada Midoobay waxaa laga sugayaa inay Dawladda Somaliland ula macaamisho maamul gooni ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-banaanideeda dhuleed iyo xaqa aayo ka tashigeeda”

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika