Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaan oo la Xidhay

Hassabo Abdel-Rahman
Hassabo Abdel-Rahman

Khartoum (Aftahannews)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaan Hassabo Abdel-Rahman ayaa la xidhay kaddib markii lagu eedeeyay in uu hurinayay dad dibadbaxyo dhigayay oo kasoo horjeeday qiimaha rootiga dalkaas oo sare u kacay.

Waxaa sidoo kale la xidhay xubno ka tirsanaan jiray dowladdii Cumar Al Bashiir.

Horraantii toddobaadkan ayay aheyd markii xabsiga loo taxaabay 300 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan waddanka Suudaan.

Hassabo Abdel-Rahman
Hassabo Abdel-Rahman

Waxaana xaalad deg deg ah lagaga dhawaaqay afar gobol oo ka tirsan Suudaan.

Suudaan waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado rootiga, shidaalka iyo koronta la’aan saameysay dalkaas xilli dowladda kumeel gaadhka ah ay la daalaa dhacayso wax ka qabashada dhaqaale xumida.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.