Ra’iisal Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi ka kooban DF iyo Dowlad Goboleedyada

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Rooble, Guddiga farsamo ayaa u gogol xaadhaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Wararka ayaa sheegaya in guddigan ay ku kulmo doonaan magaalada Baydhaba iyaga oo isku dayi doona inay xal u helaan qodobada ay isku hayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kahor inta aanay madaxda kulmin.

Magacyada xubnaha uu shaaciyey Rooble ayaa ka ah:

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.

4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland.

5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.

6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland.

7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.

8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.

9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.

12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.

13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.

14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.