Meydadka 13 Turkish ah oo la helay kadib howlgal culus

Wasiirka Difaaca ee Turkiga, Hulusi Akar
Wasiirka Difaaca ee Turkiga, Hulusi Akar

Ciidamada Turkiga ee fulinaya howlgalka ka dhanka ah mintidiinta kooxda PKK ee waqooyiga Ciraaq ayaa god ka helay meydadka 13 Turkish ah oo u afduubnaa kooxda, sida uu sheegay wasiirka difaaca Hulusi Akar.

Akar ayaa bayaan uu Axadda maanta ah soo saaray ku sheegay in 48 ka mid ah mintidiinta PKK lagu dilay howlgalka, halka seddex askari oo Turkish ah la dilay seddex kalena la dhaawacay. 12 ka mid ah Turkish-ka afduubka loo haystay ayaa laga toogtay madaxa, halka midka kalana laga toogtay garabka.

Wasiirka Difaaca ee Turkiga, Hulusi Akar
Wasiirka Difaaca ee Turkiga, Hulusi Akar

Turkiga ayaa hawlgal millatari oo ka dhan ah PKK ka bilaabay gobolka Gara ee waqooyiga Ciraaq 10-kii bishan February si uu u ilaaliyo xuduuddiisa, islamarkaana usoo badbaadiyo muwaadiniin hore loo afduubay, ayuu yidhi wasiirku. Aqoonsiga meydadka laga helay godka ayaan wali caddeyn.

Dhankoodana, bayaan lagu soo daabacay barta internetka ee PKK ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah maxaabiistii ay gacanta ku hayeen oo ay ku jireen sirdoonka Turkiga, booliska iyo militariga ay ku dhinteen iska horimaad ka dhacay aagaasi. Kooxda ayaa beenisay in ay waligood waxyeelo u gaysteen maxaabiis ay gacanta ku hayeen.

 

VOA