Haween Dil iyo Dhaawac loogu geystay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Laba ruux oo Haween ahaa oo toogasho lagu dilay xili sida la sheegay ay raacayeen gaadhi Bajaaj gaar ahaan gudaha degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku qaadeen afar haween ah oo wada socday kuwaa oo damacsanaa in ay raacaan Bajaaj geyn laheyd goob ay ka shaqeeyaan, iyaga oo halkaa ku dilay Laba haween ah laba kalana dhaawacay.

Dadka degmada ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in haweenka toogashada lagu dilay iyo kuwa dhaawacmayba howlo nadaafadeed ka qaban jireen xarunta Wasaarradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya laakiin wali warkan si rasmi ah looma xaqiijin.

Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya  ayaa markii dambe gaadhay goobta dilku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ciidamada ka qaadeen meydadka haweenka la dilay iyo dhaawacyada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.