Mucaaradka Soomaaliya oo ku Dhawaaqay Banaanbax ka dhan ah Farmaajo

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Jimcaha ay Muqdisho ku qaban doonaan isu soo baxyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda ku eedeeyay in aanay daacad ka aheyn inay qabato doorasho xor iyo xalaal ah.

“Musharraxiinta dood dheer iyo falaanqeyn kaddib waxay go’aansadeen isu soo bax lagu diidan yahay arrimaha aan soo sheegnay in magaalada Muqdisho laga sameeyo maalinta Jimcaha ah.. isu soo baxo waa xuquuq ay dadku leeyihiin dadku ay ku cabiraan dareenkooda”

Midowga musharixiinta Soomaaliya
Midowga musharixiinta Soomaaliya

“Doorashadii aan xal loo heynin, sidaas darteed dadku inay isugu soo baxaan banaanbax lagu diidan yahay arrintaas lagu dalbanayo dalkan in dariiqi saxda ahaa ee sharciga aheyd in uu aado ayaan ugu yeedheynaa dadka Soomaaliyeed” ayuu yidhi Sheekh oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id ay mucaaradka ku qabteen Muqdisho.

Dhawaan ayay aheyd markii mucaaradka ay sheegeen inaanay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.