“Xadhig yaan laga Biqin, 30 ka dib Dhalinyartu Waxay na weydiisaa Maxaad u Dagaallanteen?” Prof: Cabdisalaan Yaasiin

Hargeysa(Aftahannews):- Prof: Cabdisalaan Yaasiin, ayaa sheegay in 30 sannadood ka dib da’yartu weydiinayso isaga iyo xubnaha SNM ka sii jooga waxay u dagaallameen ee ay diiddanaayeen iyo waxay doonayeen, maaddaama oo wax badan oo qaldani ka jiraan Somaliland oo ku timi halgankii SNM la gashay dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya.

Prof: Yaasiin oo hadal ka jeediyey Xaflad xalay uu Suugaantiisa ku soo bandhigay Abwaan Abdiraxmaan Abees oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga baaqay inaan laga biqin xadhigga xaq-darrada iyo aammusiinta ah ee Siyaasiyiin iyo Hal-abuurro-ba wakhtigan Xabsiyada Somaliland ugu xidhan yihiin xukun la’aan.

Haddaba, Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo Khudbadda uu qodobbadaas iyo kuwo kale si faahfaahsan ugaga hadlay, waxaannu idiiku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.