Maxkamadda Dembiyada Dunida oo Diidday Dalab Kenya ku Codsatay Dib u Dhigista Dacwadda Badda Somalia

GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA DEMBIYADA DUNIDA OO DIIDDAY DALABKA KENYA 2021
GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA DEMBIYADA DUNIDA OO DIIDDAY DALABKA KENYA 2021

Hague (aftahannews):- Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa ku gacan-saydhay oo diiday codsi ay dowladda Kenya u gudbisay, isla markaana kaga dalbatay Maxkamadda in dhagaysiga Dacwadda Badda ee Soomaaliya hore uga gudbisay oo loo ballansan yahay 15-ka March 2021-ka dib loo dhigo.

GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA DEMBIYADA DUNIDA OO DIIDDAY DALABKA KENYA 2021
GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA DEMBIYADA DUNIDA OO DIIDDAY DALABKA KENYA 2021

Qoraal kooban oo ka soo baxay Maxkamdda ICJ ayaa lagu sheegay in ka dib markii ay maxkamaddu eegtay qoraallada ka soo gaaray labada dal ay go’aansatay in aan la bedelin waqtiga loo qorsheeyay in dacwadda la qabto oo ku beegan 15-ka bisha March. Dhagaysiga ayaa ku dhici doona qaabka fogaan aragga ah, sida ay maxkamaddu qoraalkeeda ku sheegtay.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan u gudbisay Maxkamadda ICJ in aysan ka qeybgali karin dhagaysiga loo ballansan yahay bisha danbe, iyadoo sheegtay in cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu saameyn ku yeeshay howlihii guddiga qareennada ee ku matalaya dacwadda hortaalla maxkamadda.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Maxakadda Caalamiga ah ee ICJ ay shalay galab ku soo wargelisay in codsigii Kenya ee dib u dhigista kiiska aysan aqbalin.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Dowladda Somaliya Mahdi Guuleed oo shir Jaraa’id galabta ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aankan soo dhoweyneyso. Waxaananu hadalka Raysal-wasaare ku-xigeenka idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.