Tacsi Hoggaanka Xisbiga Kulmiye

INNAA LILAAHI WA INNAA ILLAYHI RAJICUUN

Aniga oo ku hadlaya afka Hoggaanka Xisbiga, ka Guddida Fulinta, ka Golaha Dhexe iyo Guud ahaan ka Xisbiweynaha KULMIYE,waxaan ka tacsiyadaynayaa Guud ahaan Qaranka Somaliland, Bahda Madax Dhaqameedka, Odayaasha, Wax garadka ,Qoyska iyo Qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir  Suldaan cabdilaahi oo ahaa Suuldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo ku geeriyooday Hargeysa caawa fiidkii oo taariikhdu tahay 12/02/2021.

Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi waxa uu ka mid ahaa tiirarka waaweyn ee uu lahaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu door shariif ah oo aan la iloobi karin ku lahaa halgannadii dib-u-xorraynta, dib-u-dhiska, nabadaynta iyo horumarinta dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu ahaa Suldaan caan ka ah dhammaanba geyiga ay degto ummadda Afka Soomaaliga ku hadashaa.

Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu jannooyinkiisa ugu naxariisto, qoyska, qaraabada iyo shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan dadka Afka-Soomaaliga ku hadlana uu samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin…..Aamiin…Aamiin.