Wacyigelinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland – Gudaha kaga Bogo

Degmo-Doorasho-bedelka
Degmo-Doorasho-bedelka

Fariinta Wacyigelinta Degmo-doorosho Bedelka iyo u Adeegista Dadkii Kaadhadhku Ka Lumeen ee Is-diiwaangeliyey 2016

Hargeysa(AFN):- Muwaaddin baro Shuruudaha looga baahan yahay #Codbixiyayaasha doonaya inay helaan Addeegyada #Degmo-doorasho & #Kaadh beddelka Maanta oo ah 15 Feb. 2021, ka bilaabmay dhammaan Gobolada Dalka socona doona ilaa 24ka Feb. 2021.

Degmo-Doorasho-bedelka
Degmo-Doorasho-bedelka

KDQ waxa uu Addeegyadan u fidinayaa Codbixiyayaashii isdiiwaangeliyay 2016-kii oo qudha. Waxaa dhammaan Muwaadiniinta sharafta leh laga codsanayaa inay si dhaw ula shaqeeyaan KDQ kuna garabgalaan hawlaha qaran ee uu hayo, isla markaasna ay qaybtooda ka qaataan ilaalinta xasiloonida iyo amniga JSL iyo sidoo kale habsami-usocodka hawlaha loigu gogol-xaadhayo doorashooyinka isku sidkan ee Deeganada iyoWakiilada.

#Muwaadin faham #Farriimaha KDQ, sii fidi oo la wadaag Muwaadiniinta kale kana qaybqaado Wacyigalinta Codbixiyayaasha.

#Somaliland
#somalilandelects
#KDQ #SomalilandGuul.

Haddaba, si aad u fahanto, ugana bogoto Shuruudaha iyo qaabka loo marayo degmo-beddelka iyo kaadh-beddelka, kilig-garee linkskan hoose oo ka bogo xogta ogeysiiska oo daawasho ah:-

https://www.facebook.com/watch/?ref=external&v=414756663138425