Shirkada Adeega Sharciga Ee Talosan Oo Ganafka Ku Dhufatay Amar Ay Soo Saartay Wakaalada Biyaha Hargaysi

Shirkada adeega Sharciyada ee Talosan oo sharci daro ku timaamay in Sacaadaha ay iibinayso Wakaalada Biyaha Hargaysi bulshadan uga digay inay isticmaalaan qalabkaas, arrimahaas waxaa ka hadlay Agaasimaha shirkadaas mudane Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed Burhaani

waxana uu yidh “ Qoraalka ay Wakaalada biyuhu ku baahiyeen Warbaahinta iyo Baraha bulshada ee ay ku tilmaameen dadkana ku wergalinayaan inay iibinayaan sacaad casri ah oo qoraysa meter kuyuubiga biyaha Dagmada Ibraahim Koodbuurna ay ku bilaabayaan qoraalkaasi waa sharci darro waxaanu ka hor imanyaa Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland gaar ahaan qodobka afar iyo tobnaad gaar ahaan xubintiisa kobaad iyo xubintiisa saddexaad ee dastuurka kaas oo ka mamnuucaya Haayadaha Dawliga ah inaan looga faa’idaysan dano gaar ah noocu doono ha noqdee sidoo kale qoraalkan Wakaalada biyuhu waxa uu si toos ah uga hor imanyaa Qodobka 27aad iyo ka 28aad xubintiisa labaad xeer lambar sagaal iyo afartan ee 2011 iyo xeerka biyaha qaranka kaas oo u tilmaamaya una sheegaya waajibaadka Wakaalada Biyaha oo ah inay tahay biyo bixiye/ siiye waxaanay bulshada u haysaa adeeg dawli ah mana ah adeeg ganacsi, waxaa muuqata in Wakaaladii Biyuhu inay isku badashay ganacsi ama haayad ganacsi oo faa’iido doon ah sababtoo ah markay leeyihiin waxaanu keenay saacad casri ah oo aanu ka iibinaynaa bulshada $50 dollarna waanu ka siinaynaa qiimo cayimana ku qaata waa qayrul sharci waxaanaan soo jeedinaynaa inay wakaaladu arrinkaa ka noqoto’’. Waxa kaloo agaasimuhu sheegay haddii ay go’aanka Wakaalada biyaha Hargaysi ka noqon waydo inay ka shirkad ahaan ka gudbinayaan dacwad ka dhan ah qoraalkeedaas ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo bulshada reer Hargaysana  uga digay inaanay ogolaan wax aanay xaq ugu lahayn hayadaha dawliga ahi. Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay agaasimuhu.