Soomaaliya oo Si adag uga hadashay Dalab Kenya doonayso in Dib loogu Dhigo Dacwadda Badda

Muqdisho(aftahannews):- Dowladda Soomaaliya, ayaa si adag uga hadashay qorshe Kenya ku dalbatay in markii afraad dib loogu dhigo dhegaysiga dacwadda Muranka Badda ee ay Soomaaliya ku oogtay Kenya, kaas oo horyaalla Maxkamadda Dembiyada caalamiga ah ee ICJ.

Dowladda Kenya, ayaa Maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Khamiistii maanta, ayaa sheegay in Kenya uga gon leedahay arintan dhamaashiha muddo xileedka dowladda Soomaaliya oo ay dooneyso sida uu hadalka u dhiggay in ay uga faa’ideysato dib u dhiggista dacwadda.

Dubbe, waxa uu sheegay in haddii mar kale uu dib u dhac ku yimaado dhageysiga dacwada 15ka Maarso taasoo la oran karo waa dhabar jab weyn oo ku dhacay cadaallada dunida.

Kenya, ayaa marar badan oo hore sidan oo kale dalbatay in dib loo dhiggo dhageysiga kiiska taasoo ay aqbashay maxkamada, laakiin lama oga go’aanka ay mar kale ka qaadan doonto maxkamada ICJ dalabka uga yimid Kenya iyo diidmada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo arrintaas ka hadlaya, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.