Maraykanka iyo Qaramada Midoobay Cadaadis Saaray Madaxda Waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Ned Price 2021.jpg
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Ned Price 2021.jpg

Washington(aftahannews):- Dowladda Mareykanka, ayaa kordhisay cadaadiska ay saarayo hoggaamiyaasha Soomaalida si ay dib ugu bilaabaan wadahadallada, iyagoo ku celceliyay baaqyo isku mid ah oo ay soo jeediyeen UN-ka iyo EU-da.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Ned Price 2021.jpg
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Ned Price 2021.jpg

Waxay Dowladda Maraykanku, ka digtay wax kasta oo geeddi-socod ah oo isbarbar-socda iyo in laga leexdo heshiiskii doorashada 17-ka september dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada Soomaaliya dhex-maray ee Baarlamaanku ansixiyey. Heshiiskaas ayuu in laga leexdo dhabar-jab ku tilmaamay Maraykanku.

Hadalka Maraykanka, ayaa u muuqda mid lid ku ah baaqyada Hoggamaiyeyaasha mucaaradka ee ah in maaddaama oo uu dhammaaday wakhtigii la doortay Madaxweyne Farmaajo 8-dii bishan Febraayo 2021-ka, isla markaana uu doorasho inuu dalka ka qabto ku fashilmeen Madaxweynaha iyo Dowladdiisu, in la sameeyo gole Qaran oo la wareega arrimaha doorashada.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Ned Price, ayaa u sheegay suxufiyiinta Talaadadii in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay tahay inay dhinac iska dhigaan danahooda kana shaqeeyaan danta ummadda. “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyaasha Soomaaliya inay si dhakhso leh dib ugu bilaabaan wadahadalka si ay u dhacdo doorasho qaran.” sidaa ayuu yidhi Ned Price.

Ned Price, ayaa ka digay in caqabadaha doorashooyinka ay hortaagan yihiin dib u habeynta iyo ka hortaga argagixisada iyo dib u dhaca sii socda inuu keliya kordhin doona halista xasillooni-darrada dalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen Sabtidii in ay doonayaan sameynta Gole Kumeel-gaar ah oo Qaran oo kormeera diyaarinta doorashooyinka iyo xilliga kala-guurka ah.

Sidoo kale, hadalka Maraykanka, ayaa xoojinaya Bayaan ay soo saareen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaanay xubnaha Golaha Ammaanku ku baaqeen baaqeen in Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaadhaan heshiis guud oo ku saabsan qabanqaabada iyo qorshe rasmi ah oo loo dhan yahay oo lagu qabanayo doorashooyinka wakhtigoodii ka daba-maray ee Golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uu ka digay tallaabo kasta oo qalalaase siyaasadeed iyo mid nabadgelyo ka abuuri kara dalka Soomaaliya, waxaanay ku taliyeen in wadahadal degdeg ah laga yeesho wakhtiga dhammaaday ee Golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana qorshe la isla oggolyahay oo heshiis lagu yahay lagu soo afjaro muranka iyo khilaafka ka taagna qabashada doorashooyinka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.