Shirka Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday ku Baaqay Garoowe & Muqdisho midkee lagu Qabanayaa?

MADAXWEYNAHA Puntland iyo Madaxweynaha Waqtigu Dhammaaday ee Somalia Farmaajo
MADAXWEYNAHA Puntland iyo Madaxweynaha Waqtigu Dhammaaday ee Somalia Farmaajo

Muqdisho(aftahannews):- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku baaqday in madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay Isniinta soo socota isugu yimaadaan shir ay sheegtay inuu ka dhici doono magaalada Garowe.

MADAXWEYNAHA Puntland iyo Madaxweynaha Waqtigu Dhammaaday ee Somalia Farmaajo
MADAXWEYNAHA Puntland iyo Madaxweynaha Waqtigu Dhammaaday ee Somalia Farmaajo

Haseyeeshee Puntland ayaa ku doodday in aan lagala tashan shirkaas, iyadoo ku baaqday inuu ka dhaco “Muqdisho, ayna qeyb ka noqdaan saamileyda siyaasadda.”

Hadaba waxaa soo baxaya jaha-wareer horleh oo ku aaddan halka uu ka dhacayo shirkan muhiimadda gaarka ah u leh doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa taageeray soo jeedinta Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdishakur oo kamid ah ragga doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinnimada Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in shirka uu “Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan uu ku doonayo inuu isaga horkeeno Galmudug iyo Puntland, isla markaana uu ku tusiyo in uu weli madaxweyne yahay.”

Siyaasigan ayaan sharraxin waxa uu ula jeedo iska horkeenidda Galmudug iyo Puntland. Shirkii u dambeeyay ee todobaadkii hore ay madaxda Soomaaliya ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin warka ka soo Puntland ee ku aaddan halka uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo khilaafka hareeyay hannaanka doorashada.

Madaxda Waqtigoodu dhammaadya ee Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Somalia Dhuusamareeb 2021
Madaxda Waqtigoodu dhammaadya ee Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Somalia Dhuusamareeb 2021

Yaa xaq u leh asteynta madasha shirka lagu qabanayo?

Dr Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arimaha Bariga Afrika ayaa qaba in Farmaajo uu xaq u leeyahay inuu shirka ku qabto meesha uu doono.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda meel kasta ayuu shirka u qaban karaa, mana diidi karo Deni. Madaxweynaha Garowe shir kuma qaban karo Deni ayay ceeb ku tahay.”

Arinta ah in saamileyda siyaasadda ay ka qeybgasho kulankaas ayaa khabiirkan waxa uu sheegay in mucaaradka aanay qeyb ka ahayn heshiiskii 17-kii September la gaaray ee gundhigga u ah shirka la shaaciyay.

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida ayaa rumaysan in arinta madasha shirka laga heshiin karo, balse ay muhiim tahay inuu qabsoomo oo heshiis lagu gaaro.

“Shirka 15 Feb. lagu dhawaaqay waxey soo celineysaa rajada shacabka. Meesha lagu qabanayo iyo ka qaybgalayaasha waa arimo farsamo [oo] laga heshiin karo. Waxaa muhiim ah in Soomaalidu shirto, kuna heshiiyaan qaab iyo waqti doorasho. Haddii kale, waa loo meerinayaa.” Ayuu yiri Dr Baadiyow.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Xigasho BBCSomali.