Abwaan Laab-saalax oo Munaasibad Laysku Arkay ku Shaaciyey inuu u Sharraxan yahay Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax), ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay Musharrax u taagan inuu u tartamo Golaha Wakiillada ee Somaliland, kana sharraxanyahay gobolka Maroodi-jeex.

Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu Abwaan Laab-saalax ku shaaciyey hankiisa Musharraxnimo ee golaha Wakiillada, ayay ka qaybgaleen Wasiirro, Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo uu Abwaanku iska sharraxay, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed, Abwaanno, Fannaaniin, Aqoonyahan, Waxgarad, Masuuliyiin kala duwan, mudan iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Wasiirrada, Madax-dhaqameedka iyo Masuuliyiinta kala duwan ee ka qaybgalay Munaasibadda oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa Abwaan Laab-saalax ku ammaanay karti, dedaal, dadnimo iyo dal jacayl, isla markaana uu yahay nin ka soo bixi kara xilka uu isu sharraxay ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Abwaan Xasan Saleebaan Maxamed (Laab-saalax), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, isla markaana u mahad-naqay Masuuliyiinta iyo mudanta kala duwan ee soo sharfay ee ka qaybgalay Xafladda loo sameeyey bandhigista Musharraxnimadiisa. Waxaanu sheegay inuu doonayo inuu ka shaqeeyo danaha Bulshada ee dhanka sharciga.

“Haddiiba baraarujinta bulshada in badan aan ku soo hawlanaa, taasina ahayd kaalinta aan markaa qaban karayey. Waxaan is-tusay in masuuliyad iyo xil intaas ka ballaadhani, dadkayga, dalkayga  calankayga iyo ciiddayda iga saaran yahay, waana sababtaan isku soo taagay.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Xasan Dhuxul.

Abwaan Musharrax Laabsaalax oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay;  “Aniga iyo Hal-abuurrada kale cid na diratay ma jirin, damiirkaase na diray, maanta-se waxaan idinka doonayaa inaad I dirataan, iina dirataan meel aan wax ka tari karo, oo hawsha iyo masuuliyadda taallana aan garanayo.” Waxa uu Musharrax Laabsaalax sheegay inuu doonayo in nidaamka dowladnimada iyo sharcigu si siman ugu adeego Bulshada Somaliland.

Fannaaniinta Xiddigaha Geeska, ayaa iyaguna Munaasibadda ku soo bandhigay Heeso kala duwan oo u badnaa kuwo waddani ah oo ay ku maaweeliyeen Dadka kala duwan ee Munaasibadda ka qaybgalay oo ka mafsuuday heesaha ay Fannaaniintu Xafladda ka qaadeen.

Haddaba, Warbixinta Munaasibadda uu Musharraxnimadiisa ku shaaciyey Musharrax Abwaan Laab-Saalax, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.